Xarunta Saxaafada iyo wadahadalka ayaa qeyb ka qaadatay inay wadahadlaan labo beelood oo wada dega Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaliya,iyadoo Xaruntaan ay wax qabadkeedu ka mid yahay inay bulshada wada hadalsiiso si loo helo nabad iyo dowlad wanaag
Beesha reer xaaji salabaan ayaa maanta gogal nabadeed udhigtay beesha sade Deegaanka iidole waxaana halkaasi ay uga wada hadleen Arimo quseeya danaha labada belood, odayaasha dhaqanak beesha sade oo aad ugu faraxsanaa in ay sogaaraan deegaanka idoole oo uu ku duugan yahay ugaas Diini oo ah ugaaska beesha Sade
Qaarkamid ah odayaasha dhaqanka reer xaaji salbaan ayaa kawarbixyay in qabriga ugaaska uu mudo 300sano kahor ku aasanaa deeganka waxayna shegeen in ugaaska uu ula mid yahay mid kooda oo kale iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in owlaadiisa ay maantay soobooqadaan
dhanka kale odayaasha dhaqanka ee beesha sade ayaa aad usoodhaweyay sida wanaagsan ee walalahood u casumeen waxayna balan qadeen in ka shaqayan donaan nabada iyo isdhexgalka bulshada
Daawi Sawiraa Odayaasha Dhaqanka ee Labada Beelood
Mohamed Abdi Farah
Center For media And dialogue, waxaa ay Qabatay dood ku sabsan Hiigasiga 2016 taasi ka dhacay Magaalada Roterdam ee Wadanka Holland iyadoona doodaasi ay ka soo qeyb galeen Madaxda Jaaliyada wadanka Holland ,Haweyn, Dhaliyaro iyo Dad siyaaada aad u falanqeeya iyadoo doodana ay u dhaxeysay Safirka Soomaaliya u Fadhiya Midowga yurub Dr Ali Faqi iyo Abdi Xosh oo ah Madaxa Gudi hoosadka Barlamanka Soomaaliya dhanka Xuquuqul Insaanka. .
doodaan oo hayed mid Xamaasad leh ,ayaa waxaa daadihinaayey Madaxii hore ee Laanta Afka Soomaaliga BBC Yusuf Garad Omar Madaxna ka h Hay,aada Horn Media And Communications LTD Doodana Wax ka abaabushay iyadoona ka qeybgalayaahsa dooda ay ahaayeen ku wa ku kala aragti duwan hanaanka loo maraayo in ay doorasho xur ah ka dhacdo Wadanka Soomaaliya 2016.
“Haddii doorasho ka dhici weyso Soomaaliya waxaa laga yaabaa in Guddi khubaro ah laga soo diro Brussels, Guddigaasi na ay dalka yimaadaan, oo Gobolada dalka oo dhan soo maaraan, kaddibna ay warbixin soo qoraan oo ay yiraahdaan markaan soo marnay Goboladii dalka ee aan la kulanay Madaxda Hay’adaha Dowladda & kuwa Gobolada waxeey noola muuqataa in aysan suurtagal aheyn dareed talo ayeey soo jeedinayaan UN ka loo gudbiyo, waxa dhici kara weli ma cada,wax qorshe oo cad ma jiraan oo miiska saaran oo tilmaan ka bixinaya haddii doorasho dhici weyso waxa xiga doona” Ayuu yiri Xildhibaan Xoosh, wuxuuna intaa sii raaciyey in awooda Dowladda & caqabadaha ku horgudban aysan aheyn wax is qaadan kara.
“Madaxweynaha & Baarlamaanka AMISOM ayaa ilaalisa, Dowladda Soomaaliya kuma filna in ay xaqiijiso ammaanka Madaxda & Xarumaha Dowladda” Ayuu yiri Xildhibaan Xoosh oo qaar ka mid ah dadkii ka qeybgalay ay weydiinayeen su´aalo kala duwan.
Danjire ali Faqi waxaa uu sheegay in Doorasho ay dhicikarto 2016 waxaana uu sheegay in barlaman cusbna la soo dooran Doono ,kadibna gudoomiye cusub ay dooran doonaan ,barlamankaasina ay uu doorankaro Madaxweyne cusub ,iyadoona Ali Faqi uu sheegay in ay haboontahay in mucaaradka iyo muxaafdka ay is afgartaan .
Dr Cali Faqi oo ah Safiirka Soomaaliya ee Midowga yurub, ayaa waxaa uu sheegay in loobahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay danahooda gartaan si loo gaaro is faham guud ,taas oo uu sheegegay in looga bixi karo mishaakilka guud ee Soomaaliya hareeyey.
Su”‘aalihii la weydiyey Dr Ali Faqi yo Xildhibaan Xosh ,ayaa waxaa ay ahaayeen ku wo loo baahnaa xiligaan kuna sabasanaa Mowduuca Dooda ee ahaa Hiigsiga 2016 ku waasi oo si hufan looga jawaabay iyadoo siwanaagsna loo fahmay siyaasada Dalka hada ka jirta sida ay tahay iyo waxa imaankara .
Dooda Marki ay dhamaatay ka dib ayaa waxaa ay CMD La hadashay Dadkii Soomalaiyeed ee ka qeyqaadanaayey dooda iyagoona sheegay in ay aad ugu bahanyihiin in loo qobto doodahaan oo kale madama doodahaan ay yihiin ku wa waxbadan laga faa”idikro.
Qurbajogta holland ayaa aad u amanaay Center for Media and Dialogue waxaana ay sheegeen in ay waxbadan qabteen iyagoo jira wax ka yar 2 bil ,iyadoo dhanka kalena ay CMD balanqaaday in dooda ku waan ka xiisa badna ay soo wadaan,https:
CMD Holland
Magaalada Rotterdam ee dalka Netherlands, waxaa 6-dii bishan June lagu qabtay dood ku saabsan hiigsiga 2016 oo ay marti ku ahaayeen safiirka Soomaaliya u fadhiya wadamada Benilux iyo EU-da Dr. Ali Faqi iyo xildhibaan Abdurahman Hosh Jibril, horeyna u soo noqday wasiirka arrimaha destuurka iyo dib u heshiisiinta.
Doodan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Centre for Media and Dialogue and Horn Media and Communications Ltd, ayaa waxaa qeybinayey rug-cadaaga saxaafadeed Yusuf Garaad Omar, madaxii hore ee laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, iyadoo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mida madaxda ururada jaaliyadda Soomaalida ee Holland.
Ugu horeyn xildhibaan Abdi Hosh oo la weydiiyey bal inuu si kooban sharaxaad uga bixiyo macnaha iyo waxa loola jeedo Hiigsiga 2016, ayaa ka sheekeeyey geedi-socodka wada-hadaladii arrimaha siyaasada Soomaaliya iyo heerarkii uusoo maray iyo waliba qaabka uu ku yimid Hiigsiga 2016-ka.
“Hiigsiga 2016-ka waa nidaam la doonayo in Soomaaliya looga saaro dhibaatada siyaasadeed ee mudadad dheer haysatay, loona mudeeyey waqtiga la dhameystirayo destuurka cusub ee lagu maamulayo dowlad goboleedyada Federaalka , lana qabto doorasho xor ah,” ayuu yiri Abdi Hosh oo inay isaga u muuqato inaysan dhicin doorashooyinkaasi maadaama buu yiri ay jiraan caqabado badan oo dowlada hor yaalla, waqtiga loo qabtayna aanu ku filneyn.
Ambassador Dr.Ali Faqi ayaa isna dhinaciisa si kooban uga hadlay waxa uu kala socdo Hiigsiga 2016-ka iyo qaabka uu ku yimid iyo sida ay ula muuqato inuu ku guuleysan karo Hiigsan 2016-ka, iyadoo uu sheegay in loo baahan yahay is badael lagu sameeyo qaabka loo soo xuli doono baarlamaanka cusub ee imaan doona 2016-ka.
“Sida aan qabo, inkastoo ay jiraan dufuufo badan, haddana 2016 way dhacaysaa doorasho. Haddii dadku doonayaan inay wax qabtaan, way qaban karaan, waxaana muhiim ah in marka hore isku firkad laga noqdo qaabka Soomaaliya ay dhibaatada uga bixi karto, loona gaari garo dowladnimo waarta.” Ayuu yiri Dr. Ali Faqi. “Waxaan kaloo qabaa fikraa ah in loo baahan yahay in aqoon iyo tacliin lagu soo xulo xubnaha ka mid noqon doona baarlamaanka cusub ee imaanaya 2016-ka.”
Yusuf Garaad ayaa weydiiyey xildhibaan Abdi Hosh su’aal ku saabsaneyd bal waxa ka jira hadal aheyn ah in baarlamaanka cusub ee imaan doona uu ka koobnaan doono baarlamaanada dowlada-goboleedyada, haddii ay taasi dhacdana ma noqon kartaa xaq?
Abi Hosh waxa uu ku jawaabay in arrintaasi ay suuqa ku jirto laakiin aysan macquul aheyn inay dhacdo, maadaama buu yiri aysan waafaqeynin qaabka wax loo doonayo in sida ku cad destuurka Federalism-ka.
Mar wax laga weydiiyey Abdi Hosh bal waxa dowlada Somalia ka yeelayo arrinta Somaliland, waxa uu sheegay inuu dowlada ku dhaliilayo hanaanka loo wajahayo wahadalka Somaliland lala furay, isagoo sheegay in dowlada dadka ay u saartay wadahadalkaasi ay yihiin kuwa aan ku habooneeyn, iyadoo dhinaca Somaliland uu cadeeyey inuu qalad ka jiro.
Sidoo kale waxaa si weyn looga dooday arrinta 4.5-ka oo labada dhinaca ee dooda ay dhaliileen nidaamkaasi inuu yahay cadaalada daro iyo godob laga galay beelaha qaar ee Soomaaliyeed.
Welcome to the Center for Media and Dialogue! Our mission is to foster media literacy and facilitate constructive dialogue within diverse communities. We believe that informed and open communication is the cornerstone of a thriving society.
Sign up our newsletter to get update information, news and free insight.